Latest News

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qaybgalay Mashruuca Horumarinta Berbera

Berbera, (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) iyo Wafti Balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo waftiga Madaxweyne ku xigeenka si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka qeyb galay munaasibad ay soo agaasintay Dawladda hoose ee Degmada Berbera taasi oo lagu daahfuraayey Mashruuca Berbera Urban Development oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub islamarkaana loogu talogalay hannaanka bilicda horumarinta Magaalada Berbera, sidoo kalena waxaa isna madasha goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*