Latest News

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeeray Mashuurca JPLG

Boorama, (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira Safarkii Kormeerka Mashaariicda Maamul daa-dejinta dawladaha hoose ee JPLG oo galay wajigii saddexaad ayaa maanta gaadhay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal halkaasi oo waftiga Madaxweyne ku xigeenka si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kulan la qaatay Maamulka Dawladda Hoose ee Degmada Boorama, iyadoo laga dhegaystay warbixin dhamaystiran oo ku saabsan waxqabadka mashruuca JPLG-ga degmo ahaan islamar ahaantaana su’aalo lagu waydiiyey goobtaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada looga gol leeyahay mashruuca JPLG-ga “Mashruucan asalkiisu wuxuu ahaa sideedii sanno ee hore waxaa la dhisaayey awoodda dawladaha hoose, waxa loo dhisaayeyna ahayd qaabka ay ugu adeegayaan dadkii soo doortay iyo sidii ay adeeg hufan u gaadhsiin lahaayeen mujtamacooda, waxaa laga dhisay xagg xisaabeed iyo xagg maskaxeed iyo xagg maamul, Degamda Boorama waxay ka mid ahayd degmooyinkii nasiibka ugu hor helay, labadii degmo ee ugu horeeyey ee lagu bilaabay bay ka mid ahayd”

Dhanka kale waxa uu xusay Madaxweyne ku xigeenku in adeegii bulshada ee inta badan ku xidhnaa Dawladda dhexe hadda loo dhaadhiciyey dhanka Dawladdaha hoose waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Mar haddii awooddii dawladaha hoose ladhisay in la yidhaahdo adeegii xagga sare yaaley ee dawladda dhexe haysay in loo dhaadhiciyo dawladihii hoose si dhibaato badan oo taalay looga maarmo, waxaa kamida dhibaatooyinka yaaley ee hadda laga maarmay marka shaqaale hoosaadka Caafimaadka iyo waxbarashadu ay ku xidhnaayeen dawladda dhexe”

Ugu danbayntiina Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray dhismaha waddooyin cusub oo dawladda hoose ee degmada hoose ka hir gelisay gudaha magaalada, sidoo kalena waxa uu dhagax dhigay waddooyin cusub oo ay dhawaan ay dawladda hoose hirgelin doonto kuwaasi oo laga dhisi doono mashuurca maamul daadejinta ee JPLG.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*