Latest News

Madaxweyneyaasha Ruushka Iyo Turkiga Oo Moscow Ku Kulmay, Kana Arinsanaya Dagaalka Suuriya

Moscow, (Haatuf) – Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Ruushka Vladamir Punting, kaas oo ay kaga wadahadalayaan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo isku dhacdyada u dhexeeya Ciidamada dawlada Suuriya iyo Turkiga.

Kulankan labada Madaxweyne ee Ruushka Iyo Turkiga ayaa la filayaa in heshiis xabad joojin ah ay ka gaadhaan  dagaalka sii xoogaysanaya ee gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya ku dhexmaraya Turkiga iyo Ciidamada Dawladda Suuriya.

Todobaadkii u dambeeyey ayay ahayd markii Turkigu uu gobolkaasi ka bilaabay howlgal milatari kadib markii ugu yaraan 33 askari oo Turkish ah lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo ay ku soo qaadeen Milatariga Suuriya ee Ruushku badhi-taageero.

Sidoo kale Arbacadii shalay ayaa laba askari oo Turkish ah ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar kale oo Ciiidamada Suuriya ku soo qaadeen, kaas oo dawladda Ankara ay ka jawaabtay.

Dhinaca kale weerar cirka ah oo Ruushku uu ka gaystay maanta gobolka Idlib ayaa waxa ku dhintay 16 qof oo shacab ah, sida ay xaqiijiyeen kooxaha gargaagrka shacabka Suuuriya.

Hase yeeshee kulankan maanta oo khamiis ah ku dhexmaray Moscow labada hogaamiye ee Ruushka iyo Turkiga ayaa muhiimad balaadhan u leh sidii loo badbaadin lahaa xidhiidhka ka sii daraya ee u dhexeeya labadan dal ee dhinaca dhaqaalaha saaxiibka ah.

Balse Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan ayaa sheegay intii aanu u socdaalin dalka Ruushka inuu filayo in wadahadalada uu la yeelanayo Vladamir Puntin inay keento xabad joojin degdeg ah oo la gaadho.

Sidoo kale dalka Ruushka ayaa isku dayi doona inay dheelitiraan xidhiidhka Turkiga ay la wadaagaan iyo taageerida Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay tan iyo December-tii u dambaysay in hal milyan oo shacab ahi ay u barakaceen xadka Turkiga, waxaanay ku qeexday xiligan xaaladdii bani’aadanimo ee ugu darnayd inay ka jirto Suuriya oo dagaalkeedu sagaalsano jirsaday.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 300 oo shacab ah in lagu dilay saddexdaasi bilood ee u dambeeyey, weeraro milatari oo ka dhacay gobolka mucaaridku ku xoogan yahay ee Idlib.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*