Latest News

Mashruuc 100 Kun Oo Daayeer Loogu Dhoofinayo Shiinaha Iyo Ururada Ilaalinta Ugaadha Sri Lanka Oo Ka Qayliyey

Colombo,April 19 2023(Haatufonline)-Ururada u dooda xanaanda iyo ilaalinta deegaanka iyo duur joogta ee dalka Sri Lanka ayaa qaylo ka wadhay ka dib markii ay qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi shaaciyeen in xukuumadda Sri Lanka ay ogolaatay in boqol kun oo ka mid ah daayeerka dalka ku nool loo dhoofiyo dalka Shiinaha.
Sida lagu sheegay war lagu soo bandhigay warbaahinta la yidhaa Newswire, shirkad laga leeyahay Shiinaha oo dhaqata xayawaanka ayaa Sri Lanka ka dalbatay in laga iibiyo loona soo dhoofiyo tiro farabadan oo daayeer ah.

Waxay ahayd horaantii bishan markii wasiirka Beeraha ee Sri Lanka Mahinda Amaraweera u daboolka ka qaaday in xukuumadu ay daraasadaynayso soo jeedinta shirkadda Shiinaha inay iibsato daayeerka ay Sri Lanki ku caanka tahay ee loo yaqaan Toque Macaques.
Beeralayda reer Sri Lanka ayaa mudooyinkan dambe aad uga cabanayey daayeerka oo dhibaato weyn ku haya dalaggi beerahooda taasoo ku keentay khasaare laxaad leh dakhligii beeralayda.
Tirada daayeerka ku nool SLanka ayaa waxa lagu qiyaasaa ilaa 3 milyan. Dalka Sri Lanka ayaa baryahan damba la daalaa dhacayey dhibaatooyin xagga dhaqaalaha ah iyadoo uu Shiinuhu ku leeyahay dayn laxaadleh oo ay Sri Lanka iska bixin kari weyday.

Mashruuca dhoofinta daayeerka ayaa Sri Lanka u saamaxaya inay dhagax kaliya laba shimbirood ku wada disho oo ay cabashadii beeralaydana wax ka qabato lacag adagna ku hesho. Waxa kale oo dhici karta in aanay meesha ka madhnayn kasbashada quluubta dadka Shiinaha ee cuna hilibka daayeerka. Hilibka daayeerka ayaa ka mid cuntooyinka uga qaalisan dalka Shiinaha,waxaana inta badan awooda inay cunaan dadka ladan.

Safaaradda uu dalka Shiinahu ku leeyahay Colombo ayaa warsaxafadeed ay maanta soosaartay waxay ku sheegtay in laamaha arimahan oo kale ku shaqada leh ee dawladda Shiinuhu aanay haba yaraate ka warqabin ama aan lagala soo xidhiidhin daayeer laga keenayo Sri Lanka.

Daayeerka Sri Lanka ee la hadal hayey ayaa ah nooc aan aduunka intiisa kale ku uumanayn oo Sri Lanka oo kaliya ku nool. Daayeerka Toque Macaques ee Sri Lanka ayaa waxa uu ka midyahay ugaadha laga ilaaliyo inay tafiir go’aan maa daama u dal kaliya ku noolyahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*