Latest News

Maxaa Qabsaday Gabadhii Ashraf Xakiimi Ee Ninkeeda Maxkamad Saartay Ay Ku Doonaysay 50% Maalkiisa

Paris,April 15,2023(Haatufonline)- Laacibka weyn ee kooxda kubadda cagta ee Faransiiska Paris Saint-Germain iyo xulka Morroco(Marooko) Ashraf Xakiimi iyo xaaskiisii Hiba Cabuuk ayaa kala tagay ka dib markii ay soo shaac baxday in gabadh 24 jir ahi ay Ashraf Xakiimi ku soo dacwaysay inuu kufsaday inkastoo uu Xakiimi sheegay inuu barii’ ka yahay eedayntaasii.
Xakiimi iyo Hiba Cabuuk waxay isu leeyihiin 2 caruur ah waxaanay Hibi ka weyntahay Ashraf 12 sanadood. Laduduba waxay leeyihiin dhalashada dalka Spain. Hiba Cabuuk waa aktarad matasha aflaanta waxaanay kasoo jeedaa qoys reer Spain ah oo leh dhiig Liibiyaan iyo Tuunisiyaan iskugu jira. Halka Ashraf uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Morroco inkastoo uu ku dhashay Spain.

Ashraf Xakiimi iyo Hiba Cabuuk ayaa maxkamadda isla galay ka dib markii ay Hibi dalbatay inuu furo oo waliba loo xuukumo kala badhow badh(50%) waxa uu Ashraf lacag iyo xoolo leeyahayba.
Hadaba markii ay maxkamadi eegtay kiiskii furiinka iyo dalabkii Hiba ayaa waxa la ogaaday in Ashraf Xakiimi aanu wax lacag iyo hanti ah haysan oo uu wixii soo galaba ku wareejin jiray xisaabta iyo magaca hooyadii oo darxumo iyo saboolnimo lasoo kifaaxday si ay usoo koriso.
Mushaharka Xakiimi ka qaato bilkasta naadiga Paris Saint-Germain oo kaliya ayaa ah hal milyan oo Euro.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*