Latest News

Maxaad Ka Taqaan Heshiiska MAZE Ee Dalalka Bariga Afrika Ku Ilaashanayaan Khayraadka Iyo Badqabka Deegaanka Biyaha Baddooda

Victoria,June 17,2023(Haatufonline)-Labada waddan ee India iyo Seychelles ayaa 28 kii bishii February 2023 kala saxeexday heshiis iskaashi oo ay isku dhaafsanayaan wixii xog ah ee ku saabsan nabadgelyada biyaha badweynta Hindiya ee u dhaxaysa labada dal, waxaana qodobada is-afgaradkan qalinka ku duugay Mr Sam Gonthier oo ah madaxa xarun arimahaasi u qaabilsan Seychelles( iyo dalalka ku dhaw ee ku yaala bariga Afrika) iyo dhiggiisa dalka India Mr Rohit Bajpai.

Dalalka ku yaala Badwaynta Hindiya ee bariga Afrika ayaa baryahan dambe ku baraarugay inay iska kaashadaan sidii ay khayraadka baddooda uga ilaashan lahaayeen boobka ay ku hayaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada uga kaluumaysta isla markaana waxyeeladda u gaysta deegaanka badda hoostiisa ku yaala ee u ku noolyahay kaluunka iyo makhluuqaad farabadan oo kale oo waxay aheyd sanadkii 2018 markii 7 dal oo Afrikaan ah oo xeeb ku leh Badwaynta Hindiya ay kala saxeexdeen laba heshiis oo la magac baxay MAZE oo lagu abuurayo laba xarumood oo uga shaqeeya ururinta macluumadka ku tacluqa badda isla markaana habeeya sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arimahaasi .
Hadaba qodobo ka mid ah heshiiska Maze ee todobadaas dal dhex maray ayaa waxa uu dhiirigalinayaa in dalalka kale ee mandaqaddu kusoo biiraan .Sida u sheegay Sam Gunthier waxa durtaba jira dalal danaynaya ka qabgalka iskaashiga noocan ah ee Maze sida Somalia,Yemen,Tanzaniya,Mozambique,Angola iyo Namibia. Inkastoo Gunthier aanu Djibouti carabaabin laakiin waxa la ogyahay in Djibouti oo ku taala koonfurta marin badeedka cidhiidhiga ah ee Baabul Mandab ay ka midtahay dalalka biyaha badooda xadgudubka iyo waxyeelada lagu hayo deegaan ahaan iyo khayraad ahaanba,sidaas darteedna ay suurtogal tahay in iyada iyo dalal kaleba ay danaynayaan ku biiritaanka heshiiska Maze.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*