Latest News

Maxamed Bin Salmaan Oo Xabsiga Dhigay Xubno Boqortooyada Sucuudiga Ka Tirsan Oo Laga Shakiyey

Riyaadh, March 7, 2020 (Haatuf) – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa xidh-xidhay laba xubnood oo ka mid ah Qoyska Boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo looga shakiyey afgambi.

Ragga la xidh-xidhay waxa ka mid ah amiir Ahmed bin Abdulaziz oo ah Walaalka ka yar Boqorka Sucuudiga Salaam Bin Cabdicasiis, Mohammed bin Nayef oo hore u ahaa Dhaxal-sugaha koowaad ee boqortooyada  Sucuudiga iyo amiir Nawaf bin Nayef oo ah Ilmaadeer yihiin Dhaxal-sugaha.

Wargeyska Wall Street Journal oo ka soo baxa Maraykanka ayaa baahiyey in Hawl-galka ay Ciidamo gaar ahi sameeyeen lagu qab-qabtay Raggan oo hore saamayn ugu lahaa Boqortooyada Sucuudiga.

Illaa hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay Xadhigga Raggan, laakiin Wargeyska ayaa sheegaya in looga shakiyey inay qorshaynayeen Afgambi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*