Latest News

Maxay Galabsadeen Ee Ay Madaxa Uga Wada Toogteen

Muqdishu,August 22,2022(Haatufonline)-Siday wasaaradda Caafimaadka Somalia ay sheegtay ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay halkay 114 qofna  ku dhaawacmen weerarkii labadi maalmood ee ina soo dhaafay socday ee kooxda Alshabaab ka fulisay hotel Xayaat oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Waxa lasoo xaqiijiyey in xubnaha Alshabaab ee hotel-ka galay ay markiiba bilaabeen inay madaxa ka toog toogtaan dadki rayidka ahaa ee halkaas ku sugna oo ay dumar iyo caruuriba ku jireen.

Alshabaab qof kaliya oo dawladda ka tirsan kumay dileen weerkaasi balse waxay qoorta ka jareen dad rayid ah oon waxba galabsan mana jiro qiil diimeed oo ay u helayaan xasuuqaa ay gaysteen ee ay ku xalaashaden dhiigga dad Islaam ah.

Connect with us on Facebook