Latest News

Midawga Afrika Oo Madaxweynihii Hore Ee Ghana U Magacaabay Ergayga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Somalia

Addis Ababa, May 7, 2021 (Haatufonline) – Gudoommiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ´ayaa ku dhawaaqay in John Dramani Mahama´oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana in loo magacaabay Midawga Afrika u qaabilsan Somalia.

Ergaygan cusub ee Midawga Afrika u magacawday Somalia ayaa maalmaha soo socda la filayaa inuu socdaal ku tago Somalia, si uu ula kulmo dhinaccada saamilayda siyaasada Somalia.

Moussa Faki ,Guddoomiyaha Guddida Midawga Afrika ayaa ugu baaqay Saamilayda Siyaasada Soomaaliya inay si daacadnimo leh uga wada xaajoodaan, oo ay ka hor mariyaan danaha Soomaaliya iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed raadinta heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan xiisadda doorashada.

Connect with us on Facebook