Latest News

Xidhiidhka Qadar Oo Galaaftay Fiisihii Imaaraatku ku Bixin Jireen Baasaboorka Somaliland

Abu-Dhabi May 8,2021( Haatufonline)- Warar xogogaal ah ayaa sheegayaa in dawladda Imaaraatku joojisay fisihii ay ku bixin jirtay baasaboorka Somaliland.

Warkan oo laga helay ilo ku dhaw dhaw laanta socdaalka ee dawladda Imaaraatka ayaa arintan ku sababeeyey walaac ay Imaaraaku ka qabaan in dad argagixiso ah oo kasoo talaabay dhinaca Somalia ay kusoo hoos dhuuntaan xidhiidhka u bilaabmay Somaliland iyo dawladda Qadar oo iyada hore loogu tuhunsanaa inay xidhiidh la leedahay ururada xagjirka ah.

Connect with us on Facebook