Latest News

Midowga Musharaxiinta Oo Beesha Caalamka Usoo Bandhigay Shuruudo Macquul Ah Oo Lagu Furdaamin Karo Khilaafka Doorashada

Haatufonline)-Midowga murashaxiinta jagada madaxweynaha Somalia ayaa dawladaha deeqda siiya Somalia maanta usoo bandhigay qodobo ay ula muuqato in lagu furdaamin karo qalalaasaha siyaasadeed ee ay Somalia gashay ee ka dhashay khilaafka ku saabsan qaabkii loo qaban lahaa doorashada baarlamanka iyo madaxweynaha iyo waliba Somalia oo noqotay dal bilaa madaxweyne ah kadib markii u todobadi bishan dhamaaday mudo-xileedki madaxweynihii xilka hayey ee Maxamad Cabdillaahi Farmaajo.Hadaba qodobada ay murashixiinta soo jeediyeen oo dad badan u arkeen inay macquul yihiin ayaa waxa ka mid ah :

  1. In baadhitaan madaxbanaan lagu sameeyo weerarkii 18 February lagu qaaday hotelkii ay deganaayeen madaxweyneyaashi hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sh Maxmuud.iyo waliba falki maalintii ku xigtay isla magaalada Muqdisho lagu rasaaseeyey dad banaanbaxayey oo ay horkacayeen xubno ka mid ah golaha murashaxiinta jagada madaxweynaha.
  2. In madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday ee Maxamad Cabdillaahi Farmaajo uu talada dalka ku wareejiyo gole qaran oo ku meel-gaadh ah.
  3. In heshiis kama- dambeys ah laga gaadho sadexdii qodob ee hore khilaafku uga jiray kuwaas oo kala ahaa xulista ergada Somaliland,Gedo iyo dhismaha gudida doorashooyinka.
  4. Inay is-casilaan taliyeyaasha ciidanka qaranka,booliska iyo sirdoonka maa daama ay iyagu hogaaminayeen ciidamadii weeraray murashixiinta 18 iyo 19kii bishan
  5. In shirka soo socda lagu qabto goob amnigeedu suganyahay isla markaana Beesha Caalamka laga helo dammaanad-qaad ku saabsan fulintaanka wixii lagu heshiiyey
  6. In la auburn jawi siyaasadeed oo saamaxaya banaanbaxa ,jiritaanka xoriyatal-qawlka iyo xoriyaatka kale ee aasaasiga ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*