Latest News

Mo Farah Oo Jabiyey Rikoodh U Yaalay Orodyahanka Reer Ethiopia Ee Haile Gebrselassie

London, September 4, 2020 (HaatufOnline) – Orod-yahanka caanka ah ee dalka UK, Mo Farah oo afar jeer ku guuleystay tartanka orodka Olambikada ayaa guul weyn ka gaadhay tartanka orodka ee Diamond League ee ka dhacday magaalada Brussels, isaga oo dhigay rekoodh yaableh.

Mo Farah, oo hore ugu guuleystey tartamada 5,000 illaa 10,000m oo ka kala dhacay London iyo Rio Olympics, ayaa hada orday 21.330 kiilo mitir oo saacad gudaheed ah si uu u jabiyo rikoorkii hore ee 21.285km (13.255 mayl) ee uu dhigay halyeeyga Ethiopia Haile Gebrselassie 2007.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan jabiyay rikoorka adduunka maanta,” ayuu yidhi Mo Farah.

Mo Farah, oo hiigsanayay inuu tartamo orodka 10,000m ee Tokyo Olympics oo dib loo dhigay, ayaa ku soo laaban doona tartanka waddooyinka bisha soo socota, isagoo ka hor imaanoono orodyahanada haysta Rikoorka masaafada dheere, Eliud Kipchoge oo Kenyan ah iyo Kenenisa Bekele oo Ethiopian ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*