Latest News

Musharixiinta Madaxweyne Ee Somalia Oo Beesha Caalamka U Diray Baaq Ka Dhan Ah Dawladda Farmaajo

Muqdisho, January 12, 2021 (Haatufonline)Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beesha caalamka u gudbiyay qoraal ay walaac ay kaga muujinayaan cawaaqib xumo ay sheegeen in ay ka dhalan karto habka ay dowladda federalka ku wado nidaamka doorashooyinka dalka.

Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha waxay sheegeen tallaabooyinka ay dowladdu wado in ay khatar gelinayaan midnimada Soomaaliya ayna fursad siinayaan Al-Shabaab iyo kooxo kale oo mucaarad ah oo hubaysan.
Waxay ku celiyeen inay diyaar u yihiin hanaan doorasho oo xalaal ah oo waqtigooda dhaca, waxayna soo saareen baaqaan hoos ku xusan.
Waxay ku baaqeen baahida degdegga ah ee loo qabo heshiis xaqiijinaya Daacadnimada iyo dhexdhexaadnimada guddiyada doorashooyinka. Golaha musharixiinta waxay sheegeen in ay diyaariyeen liis ay ku qoran yihiin kuwa laga saarayo guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee lagu muransan yahay.
Waxay codsadeen kulan deg deg ah oo dhexmara Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo madax dhaqameedka ka soo jeeda goboladaas, si ay u doortaan xubnaha guddiga doorashada. Waxay kaloo codsadeeen in doorashada wakiilada Somaliland u matalaya labada aqal ee barlamaanka ay ka dhacdo xerada Xallane lana hoos geeyo beesha caalamka.
Goluhu murrashixiintu waxay soo jeediyeen in Caasimadaha Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka lagusoo koobo doorashooyinka xildhibaanada aqalka hoose, halkii laga dhigi lahaa labo magaalo sida ku xusan heshiiska doorashada.
Goluhu waxay ku baaqeen kulan deg deg ah oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, musharixiinta iyo xubnaha muhiimka ah ee bulshada rayidka ah, iyo kormeerayaasha Beesha Caalamka si looga fogaado isfaham waaga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*