Latest News

Niman Lagu Qabtay Oo Itoobiyaanka U Sheegay In Alshabab Bixiso Mushaharka Ciidanka Cabdi Madoobe

Wardheer,June 20,2023(Haatufonline)-Sadex nin oo horaanti todobaadkan ay ciidamada Itoobiyaanku ku qabteen xero ay ku jiraan qaxoontiga reer Laascaanood oo ku taala tuulada Docmo ayaa waxa laga helay xogo muhiim ah oo wax ka iftiiminaya xaqiiqooyinka ku gedaaman ciidanka u hogaamiyo Cabdi Madoobe ee ka dagaalama magaalada Laascaanood.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa sadexdan nin qabtay iyagoo kaamka qaxoontiga ka qoranaya caruur ay Saaxdheer iyo Buuhoodle geeyaan si loogu tababaro is-qarxinta.

Mid ka mid ah sadexdan nin oo Biciidyahan ah muddo dheerna soo ahaa ururka Alshabaab ayaa sheegay in sadexdii sansdood ee u dambeeyey uu ciidanka Cabdi Madoobe mushahar 100 doolar qofkiiba ah ka qaadan jiray ururka Alshabaab .

Sadexdan nin oo labada kale ay kasoo jeedaan qabiilka Dhulbahante gaarahaan Hayaag iyo reer Hagar ayaa waxay qirteen inay 60 caruur ah ay hore uga ka xeeyeen xerada Docmo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*