Latest News

Nin 10 Sano Ka Tirsanaa#Shabaabka Oo Isasoo Dhiibay Iyo Sababtay U Kordhayso Tirada Saraakiisha Kasoo Goosanaya

Baydhaba,October 10,2021(Haatufonline)-Siday warbaahinta u sheegeen ciidamada dawladda ee ka hawlgala Koonfur Galbeed waxa ururka Alshabaab kasoo goostay sarkaal u dagaalamayey mudo 10 sanadood ah oo magaciisa la yiraahdo Aadan Shiniyow Ibraahim.
Sarkaalkan oo shalay lagu soo bandhigay taliska qaybta 60aad ayaa waxa uu ku waramay in mudadi uu ka tirsanaa kooxda Alshabaab uu ka qaybqaatay dagaalo ka dhacay gobolada Hiiraan,Bay,Bakool iyo Gedo.
Aadan Shiniyow Ibraahim waxa intaas ku daray inuu go’aansaday inuu Alshabaab ka tago markii uu yaqiin saday in Alshabaab aanay wax khayr leh wadin oo isaguna uu dambi ku jiro ,sidaas darteedna uu isu soo dhiibay ciidamada dawladda.

Waraysi laga qaaday sarkaalkan ayaa sida la sheegay wuxu ku bixiyey xoogo cusub oo ku saabsan hawlo argagixisonimo ah oo u qorshaysan Alshabaab iyo khilaafyo kooxda dhexdeeda ah,waxaanu ugu baaqay dhalinyarada habowsan ee wali u dagaalamaysa Alshabaab inay iskaga soo baxaan intay wali badqabaan oo isu soo dhiibaan ciisamada dawladda.

Sida la ogsoonyahay waxa baryahan dambe isa soo taraysay tirada saraakiisha iyo dagaalyahanada kasoo goosanaya kooxda Alshabaab taasoo loo tiranayo dhawr arimood oo ay ka midyihiin inay beenoobeen waxyaalo badan oo ay madaxda Alshabaab ku qancin jireen askarta iyo saraakiisha u dagaalama kuwaasoo hadda maalinba maalinta ka sii dambaysa arkaya in aanay jirin wax ujeedo ah oo naftooda ay u huraan ama wax faaiido ah oo kasoo socota lasii joogitaanka koox caadaysatay falal argagixisnimo ah oo ay la beegsato dad rayid ah oon waxba galabsan.Waxa kale ciidamada Alshabaab nafta u keenay duqaynta cirka ee ay fuliyaan diyaaradaha drone-ku kuwaasoo ugaadhsada madaxda iyo saraakiisha sarsare ee kooxda isla markaana khasaare xoog leh u gaysta fadhiisimada ciidamadooda.

Connect with us on Facebook