Latest News

ONLF Oo Ka-qayb-galkeeda Doorashada Shardi Lagaga Dhigay Inay Distoorkeeda Ka Tirtirto Qodobka Xoraynta Dhulka Ogaadeen Iyo Madaxdii Ururkaa Oo Arintaasi Si Xun Iskugu Khilaafsan

Jigjiga,December 25 2020(Haatufonline)-Jabhadii la odhan jiray ONLF ayaa inay ka qaybgasho doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka Itoobiya bisha June 2021 waxa shardi lagaga dhigay in marka hore distoormeeda ka saarto qodobka odhanaya inay tahay urur u halgamaya xoreynta dhulka Ogaadeen.Gudida Doorashooyinka ee Itoobiya ayaa rukhsadii xisbinimo kala noqotay 26 urur siyaasadeed halka ay 12 ay ONLF ku jirto siisay dignin iyo mudo cayiman oo ay kusoo saxaan nidaamkooda iyo xeer hoosaadyadooda.

Arintan ayaa waxay madaxda iyo xubnaha ONLF ka fhex abuurtay khaaf ba’an iyadoo ay u kala jabeen laba garab oo midna ayidsanyahay in qodobka xoreynta dhulka Ogaadeen laga tirtiro distoorka si ay u suurtowdo in laga qaybgalo geedi socodka siyaasadda iyo doorashooyinka ka kalena diidanyahay in qodobkaasi laga saaro distoorka kuna talinayo in doorkii dib loogu noqdo, saldhigyo iyo taakulaynna laga heli doono Jubaland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*