Latest News

Portugal Oo Nus-Daris (6) Gool Ugu Awood Sheegtay Switzerland

Doxa, December 6, 2022 (Haatufonline) – Ciyaartii ugu goolasha badnay wareega 16ka ee caawa soo dhamaaday ayaa ku dhexmartay xulalka Portugal iyo Switzerland garoonka Lusail Stadium ee dalka Qatar oo martigaliyey koobka Aduunka ee 2022.
Ciyaartan oo ahayd mid kulul ayaa Portugal ay ku hubsatay shabaqa Switzerland 6 gool, kuwaas oo saddex gool oo ka mid ah uu dhaliyey Ramos oo daqiiqadii 17aad goolkiisa 1aad ku iba furay.
Sidoo kale ciyaar yahanada Pepe, Guerreiro iyo Leao ayaa min hal gool iyaguna dhaliyey.
Ciyaartan ayaa ahayd tii ugu dambaysay ee loogu gudbayey wareega 3aad ee Sideed dhamaadka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*