Latest News

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Oo Lagu Dilay 5 Qof Oo Ay Ku Jiraan Masuuliyiinta Maamulka Deegaanka Garasbaaley

Muqdisho, January 19, 2021 (Haatufónline) – Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada  deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho Cali Maxamed Macalin.

Sidoo kale waxaa qaraxan lagu dilay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada oo lagu magacaabo Cabdirashiid Dubad, darwalkii guddoomiye ku-xigeenka iyo Askari ilaalo u ahaa oo la socday gaariga la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaarro dhimasho iyo dhaawacba leh uu qaraxan ka soo gaaray.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jiray dad saarnaa gaariga la bartilmameedsaday iyo kuwa kale wadada marayay sida sheegeen goob joogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ah agagaarka Warshadda Barafka Jidka 30-ka ee degaanka Garasbaaleey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*