Latest News

Raiisawasaaraha Pakistan : Aafadii Kooxaha Argagixisada Waanu Ka Takhalusnay

Islaam Abaad,December 17,2021(Haatufonline)- Raiisalwasaaraha Pakistan Cimraan Khaan ayaa sheegay in dawladdisu ay ka adkaatay kooxihi argagixisada ee ka hawlgali jiray dalkiisa.
Cimraan Khaan oo ka hadlayey sanad guuradi todobaad ee kasoo wareegtay weerar argagixiso ah oo lala beegsaday iskuul ku yaalla magaalada Beeshaawar oo ay wax ka dhigtaan caruurta militariga Pakistan halkaas oo ay ku dhinteen 148 ruux oo u badan caruur ayaa waxa uu yidhi ” aafadii argagixisada aheyd gacan bir ah ayaanu iskaga qabanay oo waanu ka adkaanay”

Raiisalwasaare Khaan waxa uu sababta ay Pakistan ugaga guulaysatay la dagaalanki argagixisonimada ku tilmaamay in weerarki lagu qaaday iskuulka Beeshaawar uu mideeyey shacbiga reer Pakistan oo dawlad iyo shicibba kadibna meel looga soo wada jeestay cidhibtirka argagixisonimada.Cimraan khaan waxa kale oo ammaan usoo jeediyey ciidamada Pakistan waxaanu sheegay in ciidamada dalkiisu ay horseed ka ahaayeen guulihi laga gaadhay la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Connect with us on Facebook