Latest News

Raysal Wasaare Rooble Eryey Wasiir Xasan Xundubay Iyo Farmaajo Oo Diiday Xilka Qaadista Wasiirkaasi

Muqdisho, September 8, 2021 (Haatufonline – Raysal Wasaare Rooble ayaa xilkii ka qaaday caawa wasiirkii amniga xukuumadiisa Xasan Xundubay Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo mucaaradka katirsanaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha  Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.
Magacabaadiisa ayaa kusoo aadaysa xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu ka dhex taagan yahay raysal wasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo.
Wasiirkii hore amniga ayaa kamid ahaa golihii wasiiradda ee raysal wasaare Rooble uu magacaabay markii xilka raysal wasaaraha loo magacabaay.
Xilka qaadistiisa waxay kusoo beegantay xilli madaxweyne Farmaajo uu Fahad Yaasiin xil cusub u magacaabay kadib markii raysal wasaaruhu shaqada ka joojiyay.

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu diiday xil ka eryidii uu caawa Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey, kaas oo lagu bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur.

Farmaajo ayaa qoraalkaan ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku yidhi, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn. “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaadha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

DHAMMAAD

Connect with us on Facebook