Latest News

Saddexdii Xubnood Ee U Dambeeyey Oo Komishanka Doorashooyinka Somaliland Iska Casilay

Hargeysa, June 4, 2022 (Haatufonline) – Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa iscasilaaddooda maanta u gudbiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xubnaha iscasilay ayaa kala ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar, waxaanay iscasilaada xubnahani muujinaysaa in dhammaan ay meesha ka baxeen Guddida Doorashada Qaranka oo ka kooban 7 xubnood.
Waxa hore isu casilay 4 xubnood oo ka mid ahaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Mudooyinkii u dambeeyey waxa ka dhextaagnaa xubnaha Komishanka Doorashooyinka khilaaf dhexdooda ah.

Connect with us on Facebook