Latest News

Sadex Dhalinyaro Ah Oo Kasoo Goostay #Alshabaab Oo Jawhar Lagu Soo Bandhigay

Jawhar,December 22,2021(Haatufonline)-Caasimadda Maamulgoboleedka Hirshabeelle ee Jawhar waxa galabta lagu soo bandhigay 3 wiil oo kasoo goostay kooxda Alshabaab oo lagu kala magacaabo Cali Cabdullaahi,Cabdullaahi Xasan iyo Axnad Cabdullaahi.
Dhalinyaradan ayaa isu soo dhiibay ciidamada ammaanka ee Hirshabeelle oo ay markii hore lasoo xidhiidheen waxaanay sheegeen inay dhib iyo rafaad kala kulmeen mudadi ay ka tirsanaayeen askarta Alshabaab isla markaana ay u adkaysan kari waayeen noloshaa dhibaatada farahabadan leh.
Waxa kale oo ay dhalinyarda kusii hadhay kooxda Alshabaab ugu baaqeen inay dawladda isu soo dhiibaan si ay u helaan nolol dhaanta ta ay hadda ku suganyihiin ee ay sadexdoodani kasoo carareen.

Connect with us on Facebook