Latest News

Sadex Xubnood Oo Ka Tirsan Xisbullah Oo Midkiiba Dawladda Maraykanku Ku Bixinayso Abaalmarin 5 Milyan Oo Doolar Oo Ay Siinayso Qofka War Dhab Ah Uga Keena Meesha Uu Ku Sugayahay.

Washington,October 24,2020 (Haatufonline)-Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay sadex nin oo ka mid ah xubnaha ururka Lubnaaniga ah ee Xidbullah ku bixinaso 5 milyan oo doolar midkiiba cidda uga keenta war xaqiiqo ah oo ku saabsan meesha uu ku suganyahay ee laga heli karo.Sadexdan nin oo la kala yidhaa Maxamed Cali Xamaadi,Cali Cadwa iyo Xasan Cizuldiin ayaa askari Maraykan ah ku dhex dilay diyaarad diyaarad rakaab ah oo Maraykan ah (TWA) oo ay sanadki 1985 afduubeen.Askariga oo ka mid ahaa rakaabki diyaaradda ayaa waxay meydkiisi ku tureen madaarka caasimadda dalka Aljazaayir.

Wasaaradda Araha Dibadda ee Maraykanku waxa kale oo lacagtaas mid leeg ay ku abaalmarin doonta cidda war sugan ugu keenta dhaqdaqaaqa iyo goobta ay ku suganyihiin laba nin oo la kala yidhaahdo Haytham Cali Dabdabaai oo ah taliyaha ciidamada gaarka ah ee Xisbullah uuga dagaalama Suuriya iyo Yaman iyo Khaliil Yusuf Xarb oo ah lataliyaha hogaamiyaha Xisbullah ee Xasan Nasrallah.

Dalal badan oo uu ka midyahay Maraykanka,Midowga Yurub iyo dawladaha Carabta intooda badan,ayaa Xisbullah u aqoonsan urur argagixiso ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*