Latest News

Safiirkii Qadar Ee Ka Dambeeyey Qaraxi Dekadda Bosaaso Oo La Sheegay Inuu Suldaanka Warsangali Lacag Kharbudaad Ah Soo Siiyey

Muqdisho,April,30,2021(Haatufonline)- Suldaanka Warsangali Suldaan Siciid Cabdulsalaam ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Qadar Xasan Bin Xamza,waxaana ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw Suldaanku xaqiijiyeen in Safiirku u soo siiyey Suldaanka lacag lagu qiyaasay 2 milyan oo Doolar  oo hordhac u ah lacagta mashruuc ay kala qaateen Safiirka iyo Suldaanku oo muhimaddiisu tahay in lagu sameeyo falal kharbudaad ah oo ka dhan ah Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Safiir Xasan oo ah ninkii ka dambeeyey qaraxii miidaamada ahaa ee loo geystay dekadda Bosaaso 2019 ayaa waxa kale oo ilohaasi sheegeen in uu bilkasta boqol kun oo doolar usoo diri jiray Suldaanka labadii sanadood ee u dambeeyey.

Ilohaasi waxay intaas ku ladheen in wasiirka Qorshaynta Somalia u ahaa qofka isku xidhay Suldaanka iyo Safiirka iyadoo uu wasiirku arintaas u galagalaystay Fahad Yaasiin.

Waxay aheyd bishii July 2019 markii uu wargeyska New York Times soo bandhigay hadal telephone oo la duubay oy ku wada hadlayeen Safiitka Qadar ee Somalia Xasan Hamza iyo ganacsade reer Qadar ah oo la yidhaahdo Al-Muhanadi kaasoo safiirka ku lahaa qaraxii dekadda Bosaasoo ee bishi May 2019 waxa ka dambeeyey dad ina taabacsan ee hadaba Imaaraatiyiintii halkaas ha caydhiyaan Dooxa aan qandaraaska dekadda kusoo wareejiyo e.

With Guns, Cash and Terrorism, Gulf States Vie for Power in Somalia

ImageThe port in Bosaso, Somalia, is managed by an Emirati company. A recent attack there may have been carried out to advance the interests of Qatar and to drive out the Emiratis.

Connect with us on Facebook