Latest News

Sahamiye Foundation Oo Soo Gabagabeeyay Wejigii 2aad Ee Lacagaha Loogu Qaybinayey Dumarkii Wadhatada Waaheen

Hargeysa, April 15, 2022 (Haatufonline) – Sahamiye Foundation ayaa soo gabogabeeyay wejigii labaad ee lacagihii loo qaybinayey dumarkii danyarta ahaa ee khasaaruhu ka soo gaadhay gubashadii Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Lacag dhan $313,700 ayaa loo kala diray 761 qof oo isugu jira in 410 Dumar ah toddobaadkii hore lacag loo diray, halka 351 kale toddobaadkan la gaadhsiiyey lacagahaa deeqda ah.

Hawshan ayaa Sahamiye Foundation uu bilaabay laba casho kadib markii suuqu gubtay, taas oo si weyn u caawisay dumarka danyarta ah ee aan sugi karayn inta guddiyadu bilaabayaan bixinta lacagaha.

Ganacsatada yaryar ee lacagaha helay waxay durba kordhiyeen dhaqdhaqaaqii ganacsi ee sida khudaarta oo aad hoos ugu dhacday markii suuqu gubtay Suuqu.

Waxaanay Muujiyeen dareen mahadnaq ah, iyagoo sheegay inay ku diirsadeen deeqdan lacagta ah ee la soo gaadhsiiyey.

Connect with us on Facebook