Latest News

Saldhigga Milatariga Maraykanku Ku Leeyahay Jabuuti Xaaladd Deg-deg Ah La Galiyey

Djibouti, April 24, 2020 (Haatuf) –  Tirada dadka uu haleelayo xanuunka COVID-19 ayaa sare u kacay guud ahaan Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana wadarta kiisaska la helay ay gaadhaayaan ku dhawaad 985 kiis,  taas oo aad uga badan waddamada Gobolka sida Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya .

Waxaana dadka uu cudurka soo ritay kamid ah askar ka tirsan saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay waddankaasi.
War kasoo baxay taliska Afrika ee Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay laba saldhig oo ay Ciidamadaasi ku leeyihiin Jabuuti la geliyay xaalad deg deg ah oo Caafimaad dadweyne ah , sida lagu sheegay warsaxaafadeed la soo saaray.
Michael Turello oo ah taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Howl-galka geeska Afrika  oo qoraalkaan soo saaray ayaa waxa uu yiri “La dagaallanka COVID-19, waxey innoo leedahay muhiimad gooni ah, waxena innoo leedahay ahmiyad gooni ah”.
Dhowr kamid ah Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ku sugan iyo shaqaalaha saldhigyadaasi ee rayidka ah ayaa waxaa laga helay xanuunka COVID -19.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*