Latest News

Sarkaal Dhowaan La Kulmay Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Oo Laga Helay Coronavires Iyo Qofkii U Horeeyey Oo Muqdisho U Geeriyooday civid 19

MUQDISHO (W.WARARKA) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus uu ku dhacay laba sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.

Warbahinta ayaa ogaatay in mid ka mid ah labadaas qof uu ku jiray xubno ka socday wasaaradda oo toddobaayo ka hor xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay sheegeen kulanka xubnahan iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa dhacay badhtamihii bishii March, mana cadda in xilligaas uu qabay cudurka qofka laga helay.

Si kastaba, xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inuusan xilligaas qabin cudurka, maadaama hadda laga joogo in ka badan saddex toddobaad, islamarkaana wasaaradda ay shalay un shaacisay in laga helay cudurka.

Wasaaradda ma shaacin goorta la baadhay labadan qof ee ka mid ah shaqaalaheeda iyo goorta laga helay cudurka, taasi oo wax badan ka caawin lahayd.

Sidoo kale sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka Soomaaliya qofkii ugu horeeyey ayaa magaaladda Muqdisho ugu geeriyooday caabuqa coronavires, kaas oo ahaa qof aan dibada ka imanin oo daganaa magaaladda, iyadoo sida la sheegay tirada guud ee dadka laga helay caabuqa covid 19 dalkaasi Soomaaliya hada la sheegay inay tahay 12 ruux.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*