Latest News

Sarkaal Qaramada Midoobay Ah Oo Caruurtii Eriteria Loo Qaaday Ku ArkayMagaalada Aksuum Ee GobolkaTigray

New York,June 8,2021(Haatufonline)-Sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadamaha ayaa warbixin u soo saaray ku sheegay in magaalada Aksuum ee ku taala gobolka Tigray ee waqooyiga Itooboya lagu arkay askartii Soomaaliada ahaa ee tababarka ciidan loo geeyey dalka Eriteria.

Warbixintan oo la filayo inay dhawaan soo baxdo ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee lagu xaqiijiyey in dhalinyaradii ay xukuumadda Farmaajo u dirtay Eriteria sanadki 2019 ay ka qaybgaleen dagaalkii ka socday gobolka Tigray oo qaar ka mid ahi ay ilaa hadda halkaas ku suganyihiin.

Dhalinyaradan ayaa markii hore waalidiintooda loo sheegay in loo dirayo dalka Qadar si ay tababar ciidan  ugu qaataan dabeeto  ay ka mid noqdaan ilaaliyeyaasha garoomada lagu qabanayo ciyaaraha kubadda cagta ee Koobka Aduunka sanadka 2022 hasa yeeshee madaxwaynahii horee Somalia  Farmaajo iyo madaxii hayada sirdoonka ee Fahad Yaasiin ayaa duulimaadyadii dhalinyaradaasi lagu qaaday u leexiyey dhimaca Eritetia isla markaana daboolka saaray in wax macluumaad ah oo ku saabsan dalinyaradaasi la helo.

Connect with us on Facebook