Latest News

Dhagaysiga Ganacsato Ku Eedaysan Inay Alshabaab Usoo Dajinjireen Kimikada Qarxyadda Laga Sameeyo Oo Maxkamad La Keenay

Aerial view of the Port of Mogadishu. Three cargo ships, large, medium and small sized vessels are moored to the docks. A tugboat is heading out of the port. A US Marine UH-1N "Huey" helicopter flies left to right at the right of the frame. The port played an important role in the support of Operation Restore Hope.

Muqdisho,June7,2021(Haatufonline)-Waxa maxkamad ay leeyihiin ciidamada Somalia ka socota dacwad lagu soo oogay 7 qof oo ganacsato ah oo ku eedaysan inay Alshabaab usoo dajin jireen kimikada laga sameeyo qaraxyada taasoo sida dacwadda lagu sheegay ay soo marin jireen dekadda Muqdisho.

Maxkamadda oo shalay yeelatay dhageysigii kowaad ee dacwaddan ayaa waxa la horkeenay 5 ka mid ah eedaysaneyaasha kuwaasoo kala haa Cabdsalaan Cali Faarax,Khadar Cabdisalaan Maxamad,Maxamad Cabdi Sheekh Cumar oo lagu naanayso Tuutaale,Daahir Cismaan Maxamad iyo Cabdisalaan Cismaan Maxamad iyadoo ay laba ka mid ah eedaysaneyaashu aanay maxkamadda horiman oo ay baxsad ku qoranyhiin.

Maxkamadda ayaa dhagaysatay cadaymo uu Xeerilaaliyaha ciidanka horkeenay sida wada-sheekaysi uu  sheegay inuu dhex maray eedaysanaha kowaad ee dacwaddan Maxamad Cabdi Sh Cumar iyo nin ganacsade ah oo jooga dalka Shiina ooy ka wada hadlayaan tijaabo hordhac oo lagu sameeyey agabka qarxyada laga sameeyo ka hor intaan lasoo dajinin .

Xeerilaaliyaha ayaa waxa uu maxkamadda ka dalbaday inay dil ku xukunto eedaysaneyaasha todobada ah.

Ururka Alshabaab ayaa falalka argagixisada ee uu ku kaco u adeegsada qaraxyo sida qaraxyada ismidaaminta ah ee uu fuliyo qof suunka qarxa laabta lagaga soo xidhay iyo kuwa lagu nabo baabuurta ama la dhigo wadooyinka ee lala beegsado gaadiidka ,waxaana ay qaraxyadaasi ku nafwaayey kumanaan dad shicib ah oon waxba galabsan.Dhammaan qaraxyada noocyadaas ah waxay Alshabaab ka sameeyaan agabyo ay isku dar daraan oo qaar ka mid ah badeecad ahaan dibadda loogo keeno.

Connect with us on Facebook