Latest News

Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo La Filayo In La Fasaxo Mudo Laba Todobaad Ah Ka Hortaga Caabuqa COVID 19 awgii

Hargeisa, March 24, 2020 (Haatuf) – Sida ay Haatuf u sheegeen ilo-wareedo lagu kalsoon yahay Shaqaalaha dawladda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la fasaxo, iyadoo talaabadaasi ay xukuumadu u qaadayso si loo xoojiyo talaabooyinka ka hortaga caabuqa COVID 19 oo dunidda jaha-wareer ku haya.

Sidoo kale iyadoo aan ilaa hada wali Somaliland laga helin wax kiis ah (Case) oo ku taxaluqa caabuqa Corona-vires, ayaa hadana dawladda iyo guddida uu Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay ka hortaga aafada cudurkaasi Alle ha inaga hayee ayaa la filayaa inay qaadaan talaabooyin horleh oo kor loogu qaadayo badqabka caafimaadka bulshadda Somaliland, iyadoo sida la ogyahay dalalka jaarka ee Ethiopia, Kenya, Soomaaliya iyo Djibouti dhamaantood laga helay dad qaba xanuunkaasi, kuwaas oo dhamaantood khatar ku ah bulshadda dalkan, maadama oo isku-socodka dalalka mandaqadu uu yahay mid fudud. Wallow dalalka Ethiopia iyo Djibouti ay shalay iyo doraad  ku kala dhawaaqeen inay xidheen xuduudahooda, si ay bulshaddooda u badbaadiyaan.

Dhinaca kale walow aanu jirin ilaa imika wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay hay’adda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ku saabsan fasaxa shaqaalaha dawladda, ayaa hadana waxa ay sheegayaan xogaha la helayaa in marka laga reebo shaqaalaha mihiimka ah sida Xoghaynaha madaxda iyo ciidamada mooyaane inta kale la fasaxi doono.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*