Latest News

Sheekh Caruurtiisi Dhacday Imtixaanki Lagu Qorayey Ardayda Cusub Oo Ka Beenabuuray Dugsiga Abaarso Iyo Aabihii Wuxu SNM Ku Sheegi Jiray

Hargeysa,February 14,2022(Haatufonline)-Nin la yidhaahdo Sheekh Maxamed Ismaaciil ayaa todobaadkan baraha bulshada lasoo fadhiistay muqaalo video ah oo uu ku faafinayo warar been abuur ah iyo dacaayado ka dhan ah dugsiga Abaarso isagoo kusoo gabanaya diinta iyo xadhiga Muuse Coldoon.Sheekh Maxamed Ismaaciil ayaa dugsiga Abaarso ku tilmaamay meel kiristaannimada iyo dhaqan xumada lagu faafiyo hasa yeeshee waaliidiinta ardayda wax ka dhigata dugsiga Abaarso ayaa si kulul u beeniyey waxyaabihi uu sheekhu ka sheegay dugsigaa waxaanay ku tilmaameen cadho ka dhalatay caruur uu dhalay sheekhu oo ku dhacay imtixaanka la qaado marka arday cusub la qorayo iskuulka Abaarso ,waxaanay
waalidiintu intaas ku dareen inay cadaymo u hayaan arintaa.

Maaha markii u horaysay ee uu Sheekh Maxamed Ismaaciil duubo warar been abuur ah oo uu bulshada ku kicinayo isagoo ka maraya xagga diinta.
Maxamed Ismaaciil ayaa sidan oo kale sanadkii 2006 Hargeysa loogu xidhay falal argagixisnimo ah,waxaana la qabtay isagoo ku guda jira hawlo balaadhan oo lagu qorshaynayey inay isaga iyo xubno ka tirsan Alshabaab ay Somaliland ka abaabulaan kacdoon weyn iyo inqilaab ay kula wareegayaan xukunka dalka.
Markii qorshehoodi fashilmay ee la qabqabtay isaga iyo kooxdiisii,Maxamed Ismaaciil isagoo jeelka Hargeysa wali rummaan ahaan ugu xidhan wuxu maalgaliyey cajalad video ah oo lagu sheegayo in lasoo duubay iyadoo xabsiga lagu dhex jidhdilayo.Cajaladdan ayaa ka hor intii aan la ogaan inay been abuur tahay waxay sababtay in Maxamed Ismaaciil loo mudahaarado oo uu dalka mudfo bil ah galiyo khalkhal iyo xasilooni darro.

Sheekhan ayaa maxkamad horteeda lagaga cadeeyey dambigi loo haystay waxaana lagu xukumay ciqaab xadhig dheer ah. Hasayeeshee sanadkii 2011 ayaa culimo is-abaabushay ay cafis u weydiiyeen xukuumaddi xiligaas jirtay waxaana la sii daayey bishi August 2011 iyadoo aanu wax cudur daar iyo qoomomo ah ka bixinin dambiyadii uu dalka iyo dadkaba ka galay.
Bishi August 2021 waxa Maxamed Ismaaciil laga soo qabtay magaalada Ceerigaabo iyadoo uu dadka u sheegay inuu halkaas u tagay heshiisiinta laba reer balse u jiray muraad kale oo u lahaa kaaasoo ahaa inuu u kuur galo heshiisiinta Alshabasb iyo Dasciish oo baryahanba isku hayey deegaano ku yaala Puntland.
Maxamed Ismaaciil oo dad badani aaminsanyihiin inuu kasoo horjeedo jiritaanka iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa aabihii xiligii u socday halganki hubaysna waxa uu soo saaray fatwa odhanaysa dumurku way ka furanyihiin ragga SNM ku biiray .

Connect with us on Facebook