Latest News

Shirkadda DP World Oo Raashin U Qaybisay 9,000 Oo Qoys Oo Ku Nool Somaliland

Dubai, May 6, 2020 (Haatuf) – Shirkadda DP World Berbera ayaa sheegtay in ay Raashin u qabisay qoysas gaadhaya 9,000 qoys oo ku nool Somaliland.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Shirkadaasi , kaas oo lagu yidhi:-

Bilshada bisha barakaysan ee Ramadaan waxa ay hoosta ka xariiqday in shirkadda DP World Berbera ay isku soo dubariday inay raashin ka qaybiso guud ahaan Somaliland.

Raashinkan ayaa la gaadhsiiyey 9,000 qoys. Waxaanu aad uga tira badan yahay xadigii sanadkii hore.

Shirkadda DP World berbera waxay meel kasta ugu tagaysa si ay u hubiso in xidhmooyinka raashinkaasi ay gaadhaan qoysas ku kala sugan dhamaan dalka oo dhan. Qaybinta ayaa bilaabatay waxaana la filayay in ay qaadato ku dhawaad ​​toban maalmood in la soo gabagabeeyo, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u magacaabay Faysal, gudoomiyaha gudida abaaraha qaranka, oo aanu kala kaashanay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda DP World Berbera ahaan. Qorshayaasha qaybinta iyo dhinaca farsamadaba.

Laga soo bilaabo Cerigabo oo bariga dalka ah ilaa Boorama oo dhanka galbeed ah, xidhmooyinka raashinka ah ayaa wakhti xaadirkan loo qaybiyey qoysaska guud ahaan xarumaha iyo magaalooyinka ay bulshada badani ku sugan tahay, oo ay ku jiraan Laascaanood, Caynabo, Burco Gabiley, Saylac, Berbera iyo caasimada Hargeysa.

Maamulaha Shirkadda DP World ee Berbera, Supachia Wattanaveerachia, ayaa yidhi “Shirkadda DP World ahaan waxaanu u shaqeynay si aan kala go’ lahayn todobaadyadii la soo dhaafay, annaga oo iskaashi dhow la samaynay xaruntayada guud ee Dubai, si aanu u taageerno Somaliland marka laga hadlayo caqabadaha caalamiga ah ee ka yimid COVID-19, waxaanu siinay agabka xaaladda degdeg ah. Qalabka lagaga gaashaanto iyo qalabka ilaalinta shaqaalaha caafimaadka, oo ay ku jiraan qalab muhiim ah oo ah kuwa tijaabooyinka baadhitaanka muhiim u ah, intaa waxa sii dheer anagoo si taxaddar leh u ilaalinayna shaqaalaheenna, waxaanu sidoo kale hubinnay in badeecadaha daruuriga ahi ay yimaadaan dekedda markasta iyo in la gaadhsiiyo si la isku halayn karo oo hubanti ah, mar kasta oo loo baahdo,”

Raashinka DP World Berbera ay qaybisay ayaa ah Raashinka ay qoyasku isticmaalaan oo ay ku jirto Timirta oo dhaqan ahaan loo isticmaalo marka la Afurayo xiliga Soonka.

Madaxa Shirkadda DP World Berbera Mr Supachia wuxuu intaa ku daray “Si la mid ah ka shaqeynta bulshadayada ee DP World, dedaalka gaarka ah ee dhinaca Raashinka inta lagu jiro bisha barakeysan waxay u oggolaaneysaa inay si sax ah u gaadhno guud ahaan Somaliland, iyo meelaha ka baxsan bulshada maxalliga ah magaalada Berbera. Dhamaan bulshadeena ku dhaqan Somaliland waxay mudan yihiin taageero joogta ah, maadaama ay dhammaantood door muhiim ah ka ciyaaraan horumarka dalka. Dhibaatooyinka caafimaad ee hadda jira waa waqti gaar ah oo adag, iyo tallaabooyinka taxaddarka ah ee loo baahan yahay ayaa noo horseeday sanadkan dedaallada ballaadhan ee qaybinta raashiinka Ramadaanta, Ramadaanta waxay noo oggolaaneysaa dhammaan fursadda aan dib ugula xidhiidhayno xubnaha qoyskeenna.” Ayuu yidhi Madaxa Shirkadda DP World.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*