Latest News

Shirkaddaha Telesom Iyo Somtel Oo Soo Dhaweeyey Wax-Ka-Bedel Lagu Samaynayo Xeerka Isgaadhsiinta

Hargeysa, March 7, 2020 (Haatuf) – Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel, ayaa soo dhaweeyey wax-ka-bedel iyo kaabis lagu samaynayo xeerka Isgaadhsiinta Dalka oo ay mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilladu dalbadeen in la sameeyo.

Labada Shirkadood oo soo saaray Warsaxaafaddeedyo gooni-gooni ah, ayaa wax-ka-bedel lagu sameeyo xeerka ku tilmaamay talaabo loo qaaday dhinaca horumarka iyo suuqa xorta ah, khaasatan marka laga hadlayo Isgaadhsiinta dhanka Fiber Optic.

Shirkadda Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom oo nuqul kamida Warsaxaafadeed ay soo saartay soo gaadhay Gobanimonews ayaa sheegtay sidan:

Geesta kale, Shirkadda Somtel oo soo saartay Warsaxaafadeed lamida kan shirkadda kale, ayaa mahad naq u jeedisay Golaha wakiillada iyo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*