Latest News

Shirqool Lagu Dilayey Xasan Sh Maxmuud Oo Ay Soo Maleegeen Farmaajo Iyo 2 Siyaasi Oo Reer Muqdisho Ahi Oo Fashilmay

Muqdisho,April 20,2023(Haatufonline)- Waxa fashilmay shirqool lagu dili lahaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ay soo maleegeen kooxda Farmaajo. Shirqoolkan oo ay ku jireen laba ka mid ah siyaasiyiinta reer Muqdisho oo uu ka midyahay Cali Geedi yaa waxa loogu talo galay in lagu khaarajiyo Xasan Sheekh marka uu kasoo noqdo safar Cimro ah oo u horaantii todobaadkan ku tagay Sucuudiga,waxaanu qorshuhu ahaa in qaar ka mid ah ciidanka madaxtooyadu ay dilaan. Waxase sirtii qorshahan fashiliyey nin ka tirsanaa ciidanka madaxtooyada oo sida la sheegay kasoo jeeda beesha Dirka.

Xasan Sheekh ayaa warka mu’aamaraddan loogu sheegay isagoo maraya magaalada Madiina waxaana markiiba ay dawladda Sucuudigu kusoo qaaday diyaarad helikobtar(helicopter) ah ilaa magaalada Jidda oo uu Salaasadii kasoo raacay diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo duulimaad gaar ah ku keentay ilaa madaarka Addis Ababa halkaasoo ay dawladda Ethiopia kula talisay inuu ku hakado inta la kala ogaanayo halkay xaaladda Xamar marayso.

Muddadi uu Xasan Sheekh ku sugnaa Addis Ababa ayaa sirdoonka Somalia waxay gacanta ku dhigeen xubnihii ciidanka madaxtooyada ee Shirqoolka dilka ku fulin lahaa Xasan Sheekh .Waxa kale oo la qabtay sarkaal sare oo ka mid ahaa sirdoonka oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, waxaana wali socota baadhiis iyo hawlgal lagu raadcaynayo xubnihii kalee ku jiray shirqoolkan. Xogaha ilaa hadda la helay waxa ka mid ah in Fahad Yaasiin uu lacaga hal million oo doolar ah usoo diray xubnaha ciidanka madaxtooyada ee fulin laha dilka Xasan Sheekh iyadoo u lacagtaas usoo maryey gabadh Turkiga ku nool.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*