Latest News

Silvia Romano Oo 18 Bilood Ku Afduubnayd Somalia Oo Qaadatay Diinta Islaamka

Rome, May 11, 2020 (Haatuf) – Silvia Constanza Romano, oo u dhalatay dalka Talyaaniga, dhawaana laga soo badbaadiyey Afduub muddo 18 bilood ah ay ugu haysteen Somalia koox xidhiidh la leh ururka Al-shabaab ayaa qaadatay Diinta Islaamka.

Romano, oo da’deedu tahay 25, ayaa laga afduubay magaalada xeebta ku taal koonfur-bari ee Chakama bishii November 2018, waxaana afduubkaasi laga soo badbaadiyey Axadii kadib markii siidaynteeda ay ka wada shaqeeyeen sirdoonka Turkiga, Soomaaliya iyo Talyaani oo iska kaashaday.

Haweenaydan Talyaaniga eek u afduubnayd Somalia ayaa sheegtay inay iyadu si iskeed ah u qaadatay diinta Islaamka oo aan lagu khasbin, kadib markii ay ka baratay Qur’aanka iyo waxoogaa Carabi ah sida ay hadalka u dhigtay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*