Latest News

Sirdoonka Ethiopia Oo Gacanta Ku Dhigay 15 Qof Oo Weerar U Maleegayey Safaarada Imaaraadka Ee Addis Ababa

Addis Ababa, February 4, 2021 (Haatufonline) – Warbaahinta dawladda Ethiopia ay maamusho ayaa ku warantay in la xidhay 15 qof oo doonayey inay weeraraan safaarada Iskutaga Imaaraadka Carabtu ku leeyahay caasimada Addis Ababa.

Wakaalada Wararka ee dalka Ethiopia ee magaceeda loo soo gaabiyo (EPA) ayaa Arbacadii shalay soo xigatay Waaxda Sirdoonka iyo Amaanka Qaranka  ee dalka Ethiopia (NISS) oo sheegay in dadkaasi la qabtay looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin dalal shisheeye ama dibada ah.

Hub fara badan, walxaha qarxa iyo dukumiintiyo ayaa lagu soo qabtay intii howlgalku socday, sida lagu sheegay bayaanka Sirdoonka ka soo baxay, oo sidoo kale ay baahisay warbaahinta FANA.

“Kooxdu waxay howlgalka ka qaadatay koox argagixiso ajnabi ah waxayna isku diyaarinayeen inay waxyeello weyn geystaan oo isugu jirta ​​mid hanti iyo nolosha dadka,” ayay tidhi EPA.

Ma jiro wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka iyo safaaraddooda Addis Ababa.

Kooxda labaad ee laga shakiyey ayaa qorsheynayay inay weeraraan xarunta hawlgalka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka Carabta ee deriska la ah Suudaan, sida ay sheegtay EPA.

Sidoo kale waxa lagu yidhi bayaanka hay’adda Sirdoonka iyo Amaanka Ethiopia ee NISS-ka waxa shirqoolkaasi kala shaqaynayey dhiggooda Suudaan, ayay wakaaladdu sheegtay. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dawlada Suudaan.

Warbixinta ay soo saartay, FANA ayaa lagu xusay bayaanka in nin lagu magacaabo “Ahmed Ismael, oo ah hogaamiyaha kooxda argagixisada isla markaana degan Sweden, lagu xidhay Sweden sababo la xidhiidha is dhaafsiga macluumaadka Yurub, Afrika iyo Aasiya. Ee adeegyada amniga ”.

Imaaraadku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray xal diblomaasiyadeed iyo heshiis inuu kala dhex dhigo Itoobiya iyo Eretria tan iyo markii Abiy Ahmed uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya 2018, iyadoo sidoo kale bixisay tabarucaad dhaqaale si loo dejiyo dhaqaalaha Itoobiya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*