Latest News

Siyaasadda Arimaha Dibadda ee Somalia iyo Isbadalka Toggan ee Ku Yimid Xidhiidhkii Ay La lahayd Dunida.

Muqdisho,November 12( 2022)- Ilaa iyo xligii ay Somalia heshay madaxbanaanida, siyaasadda arimaha dibadda ee Somalia marnaba kama bixin xulafaysi ay la yeelato dawladdo shisheeye. Lixdamaadkii ilaa todobaanadi qarnigii labaatanaad,Somalia waxay ku tiirsanayd Midowgii Sifeeti ee Ruushka halka laga bilaabo sideetinaadkii ay Somalia u wareegtay kaamkii reer Galbeedka. Ka dib markii la riday xukunkii Siyaad Barre 1991,Somalia waxay gashay dagaalo iyo rabshado aan kala go’ lahayn. Laga bilaabo 1991 siyaasadda arimaha dibadda ee Somalia waxay gashay jaahwareer. Dalka Somalia ayaa haatan u muuqda inuu kasoo waaqsanayo waxyeeladi balaadhneyd ee u madaxweynahi hore ee Farmaajo u geystay siyaasaddi arimaha dibadda ee Somalia taasoo dhalisay in uu xumaado xidhiidhadi ay Somalia la lahayd dalal badan oo mudakar ah gaar ahaan qaar ka mid ah wadamada jaarka ah ee ku yaala manadaqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka Carabta.

Hadaba kadib markii uu Farmaajo xilka ka dagay bishii May ee sanadkan,waxa haatan muuqata in Somalia ay kasoo kabanayso xidhiidhadii dinlomaasiyadeed ee ka xumaaday.Dalalka ay Somalia la ahaan jirtay xidhidhka dhaw ee uu isbadalka toggani ku yimid waxa ka mid ah kii u dhaxeeey Somalia iyo Dawladda Isutagga Imaaraatka Carabta oo uu Farmaajo xiligii uu madaxweynaha ahaa aad u xumeeyey.Dalka Imaaraatka iyo Somalia ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh ganscsi oo balaadhan iyo mid dhaqan oo qoto dheer. Waxa kale oo dalka Imaaraatka ku nool jaaliyad weyn oo Soomaali ah oo ka xoogsada dalkaasi isla markaana waxtar wen u geysta dhaqaalaha dalka Somalia iyo tobanaan kun oo qoysas ah oo ku nool Somalia guaheeda oo ay wax usoo diraan.Waxa aan shaki ku jirin i isbadal caafimaad qabaa uu ku yimid xidhiidhkii Somalia ay la hayd dawladaha jaarka ah iyo guud ahaan beesha caaamkuba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*