Latest News

Siyaasiyiin Uu Ka Mid Yahay Xasan Cali Kheyre Oo Soo Dhaweeyey Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somalia

Muqdisho, September 18, 2020 (HaatufOnline) – Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin uu kamid yahay Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay magacaabistii xalay ee wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxayna dhammaan Alle uga baryeen inuu xilka u fududeeyo.

Ra’iisul wasaraaihii hore ee Soomaaliya Xaasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay inuu soo dhoweynayo ra’iisul wasaaraha cusub, waxa uuna ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in lagu garab istaago gudashada xilkan adag ee loo magacaabay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay soo magacaabista wasiirka koowaad ee xukuumadda, waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in xukuumadda cusub uu hoggaamin doono ay ka shaqeeyaan arrimaha doorashada Soomaaliya , waxa uuna ugu baaqay guud ahaan madaxda kala duwan iney si furan ula shaqeeyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxayna magacaabistiisa imaaneysa xilli dalka uu isu diyaarinayo doorasho .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*