Latest News

Somalia Oo Ka Taanasushay Dhulki Ay Sheegan jirtay Iyo Dawlado Khatyaan Ka Jooga Telifoonada Wasiirka Khaarajiga Farmaajo

Muqdisho,January 28,2022(Haatufonline)-Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somalia Cabdisaacid Muuse oo la magacaabay bishii November 2021 ayaa mudadi koobneyd ee uu xilkan hayey waxa uu caadaystay inuu telifoonka ku waco xafiisyada wasiirada arimaha dibadda ee dalalka shisheeye gaar ahaan kuwa dawladaha waaweyn.
Inta badan telifoonka lagama qabto hadii laga qabtana waxa si diblomaasiyadaysan loogu sheegaa in balamaha wasiirku buuxaan oo aan fakaag hadda loo heli karin balse uu ka warsugo.
Xoogo diblomaasiyadeed oo aanu helnay ayaa waxay tibaaxeen in wasiir Cabdisaacid uu xafiisyadii uu la xidhiidhay waydiistay martiqaad booqasho uu dalkooda ku tago oo loo fidiyo.Hasayeeshee ilaa hadda kuma uu guulaysan inuu martiqaad kaliya ka helo dawladaha waaweyn.Siday noo sheegeen ilahaas diblomaasiyadeed, dawladaha waaweyn gaar ahaan kuwa deeqda bixiya ayaa waqtigan xaadirka danaynaya oo kaliya in Somalia ay doorasho qabsato isla markaana aanay diyaar u ahayn hawl kale oo masuuliinta Somalia kala hadlaan marxaladda xasaasiga ee ay Somalia ku jirto.

Wasiir Cabdisaacid ayaa kadib markii u kusoo hungoobay la xidhiidhkii dawladaha galbeedka Yurub iyo Maraykanka waxa uu ujeedsaday dhinaca qaaradda Afrika waxaanu telifoon kula hadlay wasiirka khaarajiga Gabon oo ah dal ku yaala galbeedka Afrika oo aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya Somalia haba yaraate.Inkastoo Afrika lafteedi ku adkaatay hadana todobaadkan waxa u suurtogalay inuu booqosho ku tago dalka Rwanda iyo Itoobiya oo uu shalay kula kulmay dhiggiisa Demeke Mekonnen.
War uu wasiir Cabdisiciid kasoo saaray la kulankaasi wasiirka arimaha dibadda Itoobiya ayaa waxa ku cad in Somalia ay tanaasushay dhulki ay sheegan jirtay in Itoobiya ka haysato ee la odhan jiray Soomaali Galbeed iyadoo uu Cabdisaciid sheegay inuu Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya uga mahadceliyey ”
iskaashiga xooggan iyo deris wanaagga ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sare u qaadidda iskaashi uu saldhig u yahay ixtiraamka qarannimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.”
Qodob ka mid ah heshiiski bishi April 1988 dhexmaray Siyaad Barre iyo Mengistu Hailemaryam ayaa lagu sheegay in dawladda Somalia ay ka hadhdhay dhulki Itoobiya ee ay sheeganjirtay.

Cabdisaciid ayaa
kahor intii aan wasiirka arimaha dibadda loo magacaabin waxa u uddo dheer ahaa la taliyaha dhinaca amniga ee Farmaajo(2017-2021) iyadoo sida la sheegay uu ku lug lahaa shirqoolo dad lagu khaaraajiyey iyo shirqoolo loo maleegay siyaasiiyiin ku mucaarid ah Farmaajo.

Xilalka kale ee u soo qabtay waxa ka mid ahaa la taliyaha Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Somalia. Xiligii dawladii ku meel gaadh ka wuxu beesha caalamka kula taliyey in qabiilka Hawiye hubka laga dhigo si ay Somalia u degto Cabdisaciid waxa uu Cabdilaahi Yuusuf laftarkiisa qoraal ahaan kula taliyey inuu Qabiilka Hawiye ku qaado dagaal uu dad badan kaga dilo si ay u hoosyimaaddaan.

Connect with us on Facebook