Latest News

Somalia Waxay U Afduubantahay Fahad Yaasiin Farmaajana Kama Horiman Karo Oo Wuxu La Qaatay In Kiiska Ikraan La Dambabaso

Muqdisho,September 10,2021(Haatufonline)-Dalka Somalia ayaa mar kale galay qalalaase siyaasadeed oo cakiran kadib markii uu madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo is-hortaagay amar uu bixiyey raiisalwasaaraha Somalia Xuseen Rooble in baadhitaan lagu sameeyo kiiska  Ikraan Tahliil oo ah gabadh u shaqeyn jirtay hayadda Nabad Sugidda (NISA) balse la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhagtay iyadoo arageeda ay ehelkeeda ugu dambaysay 26/6/2021.

Hadaba markay aheyd 2/9/2021 ayaa Nisa waxay war ay soo saartay ku sheegtay in Ikraan ay u gacan gashay oo ay dileen ururka Alshabaab taasoo ay gaashaanka u daruurtay hoyadi dhashay Ikraan kuna sheegtay in Nisa ay warkaas ku raadgadanaysay.Warkan Nisa kadib ayaa waxa cirka isku shareeray xiisaddi ka dhalatay kiiska Ikraan.

Raiisalwasaare Rooble ayaa isna sheegay in warbixita kooban ee Nisa aanay aheyn wax lagu qanci karo sidaas darteedna waxa uu Agaasimaha Nisa Fahad Yaasiin u qabtay 48 saacadood in uu ku keeno warbixin dhamaystiran oo caydamaheedii wadata oo ku saabsan arinta Ikraan Tahliil.Hasayeeshee Fahad Yaasiin oo ah ninka ugu awoodda badan Somalia oon Rooble waxba iskaga tirinin ayaa wuxu bilaabay carqaladayn ila meerayso ah oo uu ku diidanyahay amarka Rooble taasoo keentay in Rooble xilka ka qaado Agaasime cusubna u magacaabo Nisa isla markaana uu xeerilaaliyaha ciidamada faro inuu sameeyo baadhitaan dabadeed kiiska Ikraan u gudbiyo maxkamadda Militariga.

Hadaba Farmaajo ayaa halkii laga sugayey inuu raiisalwasaaraha ku gacan siiyo in la badho kiiska Ikraan ciddi ka masuulka aheydna sharciga la mariyo ayaa waxa uu ka horyimid gabi ahaanba in kiiska Ikraan wax laga qabto waxaanu la saftay Fahad Yaasiin iyo sadex sarkaal oo kale oo afartooduba yihiin cidda lagu tuhunsanyahay inay lug ku lahaayeen arinta gabadha la waayey.Fahad Yaasiin wuxu markiiba Farmaajo ku qasbay inuu  u magacaabo la taliye madaxweyne waxa kale oo uu Fahad hadda diyaarinaya in Mursal Mohamed Guddoomiyaha Golaha Shacbku uu golaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu fadhiisiyo si Rooble xilka looga qaado taasoo hadii ay dhacdo u horseed doonta dagaal balaadhan oo Muqdisho ka dhaca oon joogsan ilaa Farmaajo magaalada laga saarayo amma  ku dhimanayo.Kolay lagama yaabo in Farmaajo u keeno wax tanaasul ah oo xiisadda u dhaxaysa isaga iyo Rooble lagu damin karo sababto ah ma diidi karo qorshaha Fahad Yaasiin oo ah in kiiska Ikraan aan la baadhin hadii la baadhayana uu noqdo baadhitaan uu isagu gacanta ku hayo.

Connect with us on Facebook