Latest News

Somaliland: Hal Qof Oo Kale Oo Maanta U Dhintay Covid-19 Iyo Culimada Bebrera Oo Joojiyey Tukashada Taraawiixdaa

Berbera, May 10, 2020 (HCTV) – Sida ay muujinayso warbixinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa lagu sheegay in maanta hal qof oo kale uu u geeriyooday cudurka sida xawliga ah u faafaya ee COVID-19, halka sidoo kale tiro 6 qof oo kalena laga helay cudurkaasi.

Tilmaantan u dambaysay ee ka soo baxday Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa tirada wadarta guud ee u geeriyooday cudurkaasi ka dhigaysa 5 qof, halka dadka cudurkaasi laga helay ee u bukana ay dhan yihiin 40 qof.

Qofka maanta u geeriyooday cudurka ayaa laga soo qaaday magaalada Berbera sida wasaaradda Caafimaadku sheegtay.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalo xeebeeda Berbera caasimada gobolka Saaxil ayaa sheegaya in dhammaan Masaajidada ku yaalla Berbera laga joojiyay tukashada Salaadda Taraawiixda si looga hortago faafitaanka Coronavirus. Culimada iyo maamulka gobolka ayaa arrintan isku raacay.

Si kastaba ha ahaatee dadka uu haleelay cudurka COVID19 ee caalamka oo dhan ayaa wakhti xaadirkan maraysa 4 Milyan oo qof, waxaana ay muujinaysa kor u kaca saacadba saacada ka dambaysa uu samaynayo cudurkaasi oo la xaqiijiyey inuu bishii December ee sanadkii hore uu ka soo bilaabmay Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*