Latest News

Somaliland Oo Sheegtay In Dadka Dalkeeda Soo Galaya Ka Baadhayso Viruska Shiinaha Ka Dilaacay

Hargeysa, (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Xanuun ka dilaacay Dalka Shiinaha, kaasi oo illaa hadda sababay Geerida tobanaan Qof, isla-markaana ay Cisbitaallada u jiifaan Boqollaal kale Dalkaasi.

Xanuunkan Corona Virus oo ah Caabuq ku dhaca Neef-mareenka Bani-aadamka ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeedisay Shacabka Somaliland inay ka feejignaadaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri oo Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan Meelaha Dalka laga soo galo, sida Garoomada diyaaradaha ay dhigeen dhakhaatiir baadhitaan ku sameeya Dadka ka soo degaya, si looga digtoonaado Xanuunka aadka u fidaya ee Shiinaha ka dillaacay.

Wasiir ku-xigeenku wuxuu  dardaaran u jeediyey Cid kasta oo Shacabka Somaliland ah Dalka dibeddiisa u safarta, sida Ganacsatada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*