Latest News

Somaliland: Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Qorsheyaal Ganacsatada Iyo Danyarta Muhiim U Ah

Hargeysa, April 25, 2020 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal Cashuur-dhaaf iyo Taageero dhaqaale loogu fidinayo Ganacsatada wax soo dejiya iyo kuwa hoose ee saameeyey caabuqa COVID19.

Waxa kale ay Dawladdu ku amartay bangiyada daymaha bixiya in ay khafiifiyaan shuruudaha lagu qaato deymaha, isla markaana macaamiishooda daynta ay ku leeyihiin ka khafiifiyaan culayska soo celinta deynta.

Sidaasina waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo xafiiskiisa kula hadlay Wariyeyaasha.

Wasiirka ayaa sheegay in cashuur-dhaaf 20% ah loo sameeyey ganacsaada raashinka soo dejiya, gaar ahaan quutal-daruuriga.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in la sameeyey laba sanduuq oo mid lagu taageerayo ganacsatada yar ee uu sameeyey xayiraadaha ka dhashay cudurka COVID19 iyo sanduuq kale oo lagu caawinayo dadka danyarta ah ee uu nolol-maalmeedkoodu cidhiidhiga galay.

Wasiir Sacad ayaa intaasi ku daray in sanduuqa miskiin kalkaal ee caawinta danyartu u furan yahay cid kasta oo gacan ku geysanaysa.

Guddida ka-hor-tagga covid19 oo uu xubin ka yahay Wasiirka Maaliyaddu, ayaa horaantii todobaadkii hore sheegay in ay dawladdu diyaarisay lacag hal milyan iyo badh ah oo ay ku shubayso sanduuqa danyarta laga taakulaynayo, waxaanay ganacsatada waaweyn ee dalka ka codsadeen inay qadar lacageed oo u dhigma qoondada dawladda iska soo uruuriyaan.

guud ahaan arrimahan ayaa looga gol-leeyahay sidii loola tacaali lahaa saameynaha isbarkan ee uu sababay cudurka adduunyada ku faafay ee COVID19, kaasoo ka sekow dhibatada caafimaad caqabado dhaqaale dunida u horseeday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*