Latest News

Soomaalida Iyo Canfarta Ethiopia Oo Dagaal Ku Dhexmaray Garba Ciise

Garba Ciise, July 28, 2021 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya gobolka Siti ee Dawladd deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya inuu dagaal ka socdo duleedka magaalada Garba Ciise, kaas oo u dheexeeya Soomaalida iyo Canfarta, sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u Xaqiijiyeen.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dagaalkan uu u dhexeeyo xoolo dhaqatada Soomaalida ah iyo maleeshiyaad ka soo jeedo deegaanka Canfarta.
Khasaaraha dhabtaa ee dagaalkan ayaana si rasmi ah loo ogeyn, inkastoo ay jiraan khaase iskugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kasoo kala gaadhay iyo dad shacab ah.

Maalintii shalay ayay ahayd markii dawladd Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggaanka aagga Garba Ciise iyo deegaannada kale ee ku xeeran, oo dad tiradooda lagu sheegay boqolaal ay Canfartu ku laysay halkaasi.

Connect with us on Facebook