Latest News

Warbixin Sir Ah Oo Kashifaysa In Fahad Yasiin Ka Dambeeyey Dilal Qarsoon Oo Lagu Fuliyey Saraakiil Ka Mid Ah NISA

Muqdisho,July 27,2021(Haatufonline)- Warbixin sir culus ah oo ku taarriikhaysan 17 July oo loo gudbiyey raiisalwasaaraha Somalia Maxamad Xuseen Rooble ayaa banaanka soo dhigtay in madaxda Hayadda Nabadsugidda Somalia (NISA) ay ka dambeeyeen dilal qorshaysan oo lagu fuliyey Saraakiil ka tirsanaa isla hayadaas oo qaarkood maydkoodi dibadda lagu soo tuuray halka qaar kalena inta la afuuduubay aan ilaa hadda aan la haynin raq iyo ruux toona halkay ku dambeeyeen.

Warbixintan loo soo gudbiyey Rooble oo ay guddi soo diyaarisay waxa ku qoran magacyadda saraakiisha NISA ee lala beegsaday dilal iyo afduub ay soo shirqooleen Fahad Yaasiin Iyo Kuxigeenkiisii Cabdilaahi Kulane iyo waliba madaxa Nisa ee gobolka Banaadir Yaasii Farey.Waxa kale oo warbaxintani kashifaysa iskaashiga qarsoon ee uu Fahad Yaasiin la leeyahay xubno ka tirsan Alshabaab oo sheega in ururkoodu ka dambeeyey qaar ka mid ah dilalka uu isagoo soo maleegay.

Ugu dambayn waxay gudidu raiisalwasaaraha kula talinaysa in xilka laga qaado Fahad,Kulane iyo Farey.Hadaba warbixintii oo dhamaystirani waxay u qorneyd sidan:

Gudiga Xaqiiqa Raadinta Dilalka Qorshaysan ee Saraakiisha NISA

Saturday, 17 July 2021
Ku: Ra’isal Wasaare Mohamed Hussein Rooble

Ujeedo: Baaris hordhac ah ee kiisaska dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayay saraakiisha NISA.

Baaris hordhac ah oo aan ku samaynay saraakiil ka tirsan NISA oo tiro badana la dilay tiro kale na la waayay kadib markii la afduubtay ayaan xog ururin ku samaynaynaa anagoo mid mid usoo qaadi doono saraakiisha la dilay ama la waayay wixii ka danbeeyay 2019.

Sababaha ugu wayn ee saraakiishan la dilay ama la waayay nolol & geeri cid meel ku sheegta ayaa u kala qaybsan dhowr sababood:

1. Saraakishan ayaa xog-ogaal u noqday kiisas halis ah, kuwaas oo hadii ay banaanka imaadaan halis wayn ku noqon karta dadkii ku lug lahaa.
2. Qayb kamid ah saraakiishan waxay qudhooda ku lug lahaayeen kiisas dilal qorshaysan, waxaana la isla gartay in la soo afjaro si loo tir tiro cadaymaha kiisaskaas.
3. Qaar kalena waxay aad ugu dhawaayeen ama looga shakiyay inay xog siiyaan xubno ka tirsan midawga musharaxiinta & sirdoonka Somaliland, waxaana si farsamaysan loogu dilay qaabab kala duwan.

Arintaan waxay aad usoo muuqatay markii ay doorkeedii ku timid Ikraan Farah Tahliil oo aad ula soo shaqaysay Kulane & Fahad, sababta keentay in aad loo hadalhayo ayaa ah in ay dowlada dhexdeeda qof la yaqaano oo magac ku leh ay ahayd, halka kuwa kale aanan sidaas loo garanayn. Gudiga wuxuu RW Rooble ka codsanayaa in xilka laga qaado Fahad, Kulane & Yasin Farey si baaris hufan oo cadaalad ah ay u helaan kiisaska hoos ku xusan.

Marka 1aad: Waxaan qof qof usoo qaadanaynaa allaha u naxariistee saraakiisha la dilay ee maydadkooda la helay:

1. Xidigle. Muumino Cabdiraxmaan Xaayoow

 

 

14 May 2021

AUN Muumino waxay ka shaqaynaysay hogaanka dabagalka oo ah hogaanka ugu muhimsan sirdoonka NISA, waxay u qaabilsanayd kaydka xogaha ay soo ururiyaan saraakiisha dabagalka ku jirta, waxaana ku soo dhici jiray fadhigeeda (DESK OFFISER) warbixino xasaasi ah oo amniga dalka quseeya, waxayna ahayd qof dhiifoon oo xasuusta iyo gorfaynta ku fiican. Aragtiyadeeda iyo talooyinkeeda sida looga hawlgali karo xogaha ay heshay aad bay u sareeyeen.

Kulane & Fahad ayaa xaqiijiyay in Muumino heshay warbixin xasaasi ahayd oo ahayd qorshe dil ah oo loo diyaariyay xubin kamid ah midawga musharaxiinta ayna si toos ah ugu gudbisay xubintaas.

Subaxdii 9:40 AM maalin Jimco ah 14 May 2021 ayaa gurigeeda oo ku yaala dhabarka danbe ee xarunta NISA aka Habar Khadiijo gaari nooca raaxada ah ka afduubtay, waxauna maydkeeda laga helay isla maalinkaas xili gabal dhac ah degmada Boondheere.

Marwo. Farxiya Ibraahim Sameey

19 May 2020
AUN Farxiya waxay ka tirsanayd qaybta Baarista ee taliska gobolka Banaandir ee NISA, Farxiya oo ka hoos shaqaynaysay shaqsiga dadka u dila Fahad Yasin ee taliyaha ka ah halkaas lugana magacaabo Yasin Farey waxay ku dhex dhacday ama qayb ka ahayd oo ayna ogaatay hawlgala qarsoon oo ay isla fuliyeen kooxdaan, waxaana si farsamaysan loogu dhex dilay isla xafiiska kadibna waxaa lagu tuuray maydkeeda deegaanka Tabeelaha Shiikh Ibraahim.

Marka 2aad: Waxaan qof qof usoo qaadanaynaa saraakiisha la waayay nolol
& geeri, kuwaas oo ay dadkooda ka samreen:

1. Gaashaanle. Maxamed Cabdulle Gorod

08 July 2021

AUN Gorod waxaa si dadban u maamuli jiray Kulane & Fahad, wuxuuna shaqaale ahaan uga qornaa xafiiska taliyaha, inta badan xarunta shaqada ma imaado sababo hawlo qarsoodi ah ee uu hayay darteed, wuxuuna isku xiro u ahaa kooxda Shabaab hawlgalada inay sheegtaan loogu talagalay ee ay Fahad & Kulane rabaan inay iska weeciyaan ku lug lahaashaha falalkaas. Waxaa la waayay 08 July 2021, waxaana loo sababeeyay wax ka ogaanshaha kiiska Ikran Farah Tahlil iyo kiiskii gudoomiye AUN Yariisoow.

2. Marwo. Ikraan Farah Tahliil

26 June 2021

Kiiska baarista Ikraan wali waa baaris socoto, ma doonayno inaan ka hordhacno, sababtoo ah waxaan wadnaa dabagal culus oo toos ugu lug leh Fahad & Kulane, inkastoo qofka hawsha sida toos ka ugu lug leh uu yahay Kulane, hadana wuxuu u adeegayay Fahad oo ahaa shaqsiga rabay inay sidaan wax u dhacaan. Balse waa baars socoto… Nala soco Insta Allah.

3. Labo Xidigle. Xuseen Cabdilaahi Yoonis (Ina Karkamsade)

17 April 2021

Ina Karkamsade wuxuu dabagalka u qaabilsanaa dhanka hotelada siyaasiyiinta in camera qarsoon ku soo xiro si muqaalo foolxumo ah am sir
looga qabto siyaasiyiinta, waxaan arag iyo maqal ugu danbaysay reerkiisa 17
April 2021, gudiga wuxuu helay xog xaqiijinaysa in habeenkaas uu xuranta
NISA Fahad kula kulmayay kadibna aanan la arkin.

4. Xidigle. Yaasmiin Siciid Axmed

03 April 2021

  1. Yaasiim oo ahayd gabar 24 jir ah waxay sidoo kale ka tirsanayd hogaanka dabagalka, waxay ahayd qof ku feel dheer gorfaynta falalka argagaxisada, waxay ahayd qofka warbixinta maalinlaha ah u sharxa Fahad Yasiin, waxay ahayd qof wax badan og taas oo ugu danbayn salfatay in dib loo arko.

5. Gaashaanle. Yaasiin Mohamud Jimcaale

12 March 2021

Yaasiin waxaa looga shakiyay inuu sir culus u dusiyay General Xuud oo markaas jabhad ka aasaasay Baladweyn, waxaa lagu xiray Godka Jilicoow kadına waa la waayay nolol & geeri iyadoo aysan ku dhicin wax xukun ah.

6. Dhamme. Farxaan Jaamac Aw Cusmaan

02 March 2020

Farxaan wuxuu ahaa kaydka sirta Fahad Yasin iyo hawlaha gaarka, si kadis ah ayaa loo waayay nolol & geeri, reerkiisa ilaa hada ayay mar walba imaadaan albaabka laga galo NISA gaar ahaan hooyadiisa oo ilmaynaysa.

7. Xidigle. Cabdisamad Faarax Diiriye

23 December 2019

Cabdisamad wuxuu xog fara badan ka hayay ama u maamuli jiray Fahad Yasin arimihiisa ganacsiga, markii uu kusoo biiray Fahad NISA ayuu ku daray hogaanka dabagalka si uu ula socdo dhaqaaqa saraakiisha dabagalka. Ugu danbayn Cabdisamad waxaa lagu qabtay inuu sirdoonka Somaliland la wadaagay ama u dusiyay xogta ganacsi ee ah inuu Fahad yahay mifkiilaha ugu maalgashiga badan ee ASTAAN TV.

 

 

Connect with us on Facebook