Latest News

Soomaaliya Oo Laga Helay 79 Qof Oo Cusub Cudurka COVID-19

Muqdisho, May 5, 2020 (Haatuf) – Xanuunka COVID-19 ayaa aad ugu faafaya Soomaaliya,  iyadoo hadda lagasoo sheegayo in dad hor leh laga helay xanuunkaasi, gaar ahaana maamul goboleedyada qaar, taas oo muujineysa in Coronavirus uu aad ugu sii faafayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya sheegtay in dadka laga helay ay gaadhayaan 79 qof oo cusub, waxaana kiisaskan laga soo sheegay gobolka Banaadir,  Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Foosiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kiisaska cusub la helay ay yihiin 38 xaalad oo Gobolka Banaadir ah,  22 kiis Jubaland laga diiwaan-geliyay,  11 lagu arkay Koonfur galbeed iyo 8 qof oo la sheegay in looga helay Puntalnd.
Wadarta isu-geynta dadka xanuunka COVID-19 ku qaaday Soomaaliya ayaa gaaraya 835 ruux, waxaa maanta u geeriyooday 3 ruux,  halka la xaqiijiyay in 14 ruux ay ka bogsadeen.
Inkastoo xanuunka uu sii baahayo,  haddana dowladda Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa sidii loo xakameyn lahaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*