Latest News

Sucuudi Carabiya Oo 2 iyo 1 Ugu Awood Sheegtay Argentina

Doha, November 22, 2022 (Haatufonline) – Xulka kubadda cagta ee dalka Sucuudi Carabiya ayaa guul taariikhi ah ka keenay Koobka Aduunka ee ka socda dalka Qatar kadib Markii Xulka Argentina ay kaga Naxsadeen 2 gool iyo hal.

Ciyaar xiiso leh oo ka tirsan Koobka Aduunka oo dhexmartay xulalka Sucuudi Carabiya iyo Argentina oo ka wada tirsan Group C ayaa ka dhacday garoonka the Lusail stadium, waxaana xulka Argentina loogu awood sheegtay laba gool iyo hal ay guushu ku raacday Sucuudi Carabiya.
Ciyaaryahanada Sucuudiga ee Al-Dawrsani iyo Al Shahrani ayaa kubadd quruxbadan ugu dhaliyey Sucuudiga labada gool ee ay kaga badiyeen Xulka uu Messi ka tirsan yahay.

Waxaana la arkayey laacibkooda aduunka Leonal Messi oo guuldarada soo gaadhay awgeed garoonka ka dhex kici kari la’.

Labadan xul ayaa ciyaartoodii 1aad ee Koobka Aduunka ee Qatar ka socda ay isku haleeleen, waxaana socda debaaldagyo lagu taageerayo xulka Sucuudiga guusha ay gaadheen darteed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*