Latest News

Sucuudiga oo kordhinaya deeqda uu siiyo Xuutiga kadib wada hadal ku dhexmaray Cumaan

Haatufonline,April 23,2026

Saraakiil ka socda dalka Sucuudiga ayaa todobaadkii hore caasimadda Cumaan ee Masqad wada hadal kula yeeshay ergayga Xuutiyiinta u fadhiya dalkaas ee Maxamad Cabdulsalaam.
Wada hadalkan oo uu ka shaqeeyey inuu qabsoomo ergayga Qaramada Midoobay ee Yemen Mr Hans Grundberg, si rasmi ah looma shaaciin waxay labada dhinac ka wada hadleen. Laakiin ilo lagu kalsoonyahay ayaa noo sheegay in Sucuudigu uu Xuutiyiinta ka dalbaday in aanay weeraro ku qaadin goobahooda shidaalka laga soo saaro,warshadaha shidaalka lagu sifeeyo iyo dekadaha laga dhoofiyo iyadoo uu Sucuudigu balanqaaday inuu kordhin doono deeqda maaliyadeed ee uu siiyo kooxda Xuutiyiinta.

Saliidda laga qodo Boqortooyada Sucuudiga ayaa badankeeda laga soo saaraa bariga dalka ee kaabiga ku haya Gacanka Carbeed halkaas oo laga dhoofin jiray balse intii u dagaalka Iiraan bilaabmay ee uu marinkii Hormuz xidhmay ,ay noqotay in Sucuudigu waxsoosaarkooda saliidda ay ka dhoofiyaan dekadda Yanbuc ee ku taala Badda Cas iyadoo dhuumo lagaga soo qaado ceelasha shidaalka ee bariga ku yaala.
Sucuudiga ayaa ka cabsi qaba in Xuutiyiinta oo Iiraan adeegsanaysaa ay gantaalo iyo drone ku duqeeyaan Yanbuc iyo dhuumaha halkaas keena shidaalka bariga laga qodo isla markaana ay Xuutiyiintu dib u bilaabaan weeraradii ay la beegsan jireen maraakiibka marta Badda Cas.
Wada hadalkan oo markii hore Sucuudigu ugu talogalay inuu noqdo mid qarsoodi ah ayaa sirtiisu fakatay ka dib markii uu xafiiska ergayga Mr Grundberg soo saaray sawir muujinaya wafdiga Sucuudiga iyo Xuutiyiinta oo is-hor fadhiya.

Waxay ahayd bishii hore markii ay soo baxeen warar sheegayey in dawladda Suucuudigu ay Xuutiyiinta soo gaadhsiiyeen lacag nool oo ay iskaga bixiyaan mushahar lix bilood ah oo ay sheegeen in shaqaalahoodu ku yeeshay.
Xukuumadda Maraykanka ayaa bishii January ee sanaki lasoo dhaafay Xuutiyiintu ku daray liiska kooxaha loo aqoonsanyahay inay argagixiso yihiin

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*