Latest News

Sudan Oo Cumar Al-Bashiir U Gacan Galinaysa Maxkamada Dambiyada Dagaalka

Khartoum, Febr-, 11, 2020 (Haatuf) – Golaha Ku-meelgaadhka ah ee xukuma dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay maanta oo Salaaso ah inay hogaamiyaha laga ceydhiyay talada dalka Sudan ee Omar al-Bashir ay u gudbinayaan maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka ee (ICC).

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Omar al-Bashiir ayaa loo haystaa dacwado ka dhan ah aadanaha, dambiyada dagaalka iyo xasuuq, sida ay ku dhawaaqay Golaha Ku-meelgaadhka dalka Sudan.

Mr Al-bashiir ayaa sannadkii 1989 xukun millateri kula wareegay talada Suudaan, waxaana xukunka laga tuuray bishii April ee 2019-ka, isagoo kadibna loo taxaabay xabsi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*