Latest News

Sudan: Raysal Wasaare Abdalla Hamdok Oo Shirqool Ka Badbaaday

Khartoum, March 9, 2020 (Haatuf) – Raysal-wasaaraha Dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa ka bedbaaday isku day la doonayey in lagu khaarajiyo.

Telefishinka dowladda Suudaan iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weerarray caasimadda Khartuum.

Illaa hadda lama oga in dhibaato soo gaadhay Raysal-wasaaraha iyo in Masuuliyiintii kale ee la socday ay dhibaato ka soo gaadhay weerarkaasi oo ahaa Qarax, laakiin Raysal-wasaaraha Xaaskiisa oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Raysal-wasaaruhu bad-qabo isla-markaana la geeyay Goob amaan ah.

Lama Shaacin Goobta la geeyay Raysal-wasaaraha, illaa haddana Dawladdu kama hadal Weerarka lala beegsaday Raysal-wasaaraha.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*